Heemaal News Network

Madaxwayne Erdogan Oo la Kulamay Hogaanka Siyaasada Ee Xamaas Ismaaciil Haniye.(Sawiro)

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa xafiiskiisa magaalada Istanbul ku qaabilay madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniye.

Intii lagu guda jiray kulanka uu la yeeshay Erdogan ayaa lagu sheegay in Ankara ay sii wadayso dadaalkeeda diblomaasiyadeed ee ay ku doonayso in lagu joojiyo dagaalka xasuuqa isku badalay ee lagu hayo shacabka Falastiin, islamarkaana indhaha bulshada caalamka la tuso dulmiga iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan Falastiiniyiinta, wuxuu intaa ku daray in Turkiga uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah Israa’iil oo ay dhankooda cunaqabateyn ganacsi ku soo rogeen.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hoggaanka siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniye, ka guuri doono magaalada Doha.