Wasiirka ayaa Ergeyga kala hadlay ka mirodhalinta dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka Khawaarijta iyo qorshaha ay ciidamada Qaranka ay mas’uuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay muhiimada kaalinta Qaramada Midoobay ee taageerada dib u dhiska Ciidamada iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya.