Dowladda Mareykanka ee taageerto ciidanlka xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa jaray raashinkii ay siin jireen ciidanka, kaddib markii saraakiil katirsan ciidanka musuqmaasuqeen ayna iibsadeen garaamkii ciidanka.
Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaana wasiirka Gaashaandhigga ka dalbaday in uu usoo caddeeyo sida uu ku dhacay musuqa, saraakiisha masuulka ka ah ee kiiskan loo xiran ama shaqada looga eryay.