Howlgal ay saacadihii la soo dhaafey sameeyeen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Dayniile ayaa lagu soo qabtey askari ku eedaysan inuu dil toos ah u geystey Muwaadin Soomaaliyeed
Galabta Abaaro. 5:14pm. ayaa waxaa uu dil ka dhacay Degmada Deyniile Gaar ahaan Daarusalaam Xaafada Reer Godleey.
Waxaan Dilkaas Lagu eedeeyey Inuu si toos ah u geystey Mahad Cali Maxamuud, iyadoo ninka la dilayna magaciisa la yiraahdo Marxuum Axmad Nuur Tooxow sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay booliska Somalia
“Eedeysanaha dilka geystey iyo agabkiisaba waxaa si toos ah loogu wareejiyey Hoggaanka Baarista dembiyada C.I.D Halkaas oo lagu baari doono Si loo horgeeyo Maxkamada Ku Shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska
Wiilkan la dilay ayaa shalay bartiisa Facebook kusoo qoray tacsida xubno qaraabo la ahaa oo ka mid ahaa shaqaalihii shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee qaraxa miino lagu dilay, waxaana xiliga la dilayey galabta uu ka soo laabtay aaska xubnaha eheladiisa ka midka ahaa ee shalay qaraxa lagu laayey.