Baanka Horumarinta Africa ayaa siidaayay lacagta wajiga koobaad ee mashruuca dhismaha wadada Lawyacado-Fardaha-Boorama iyo Daraasada socota ee Mashruuca Hargeysa-Oodweyne-Burco.
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Amb Raabi Cabdi Maxamed, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim iyo Saraakiil ka socota Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka oo ku sugan dalka Kenya caasimadiisa Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxda Baanka Horumarinta Africa gaar ahaan Agaasimaha guud ee Bariga Africa Madam Nnenna Nwabufo, Madaxa la talinta iyo hawlsocodsiinta Bariga Africa Mr Bubacarr Sankarra, Madaxa u qaabilsan mashaariicda ka socota Somaliland Winfred WAMBUI iyo saraakiisha baanka ee qaybaha kala duwan kuna shaqo leh hirgelinta mashaariicdaasi.
Kulamadaas labada dhinac oo maalmo qaatay ayaa waxa laga wada hadlay halka ay marayaan mashaariicda socota ee ay ka mid yihiin Mashruuca daraasadiisu dhamaatay ee imika loo gudbayo bilawga dhismaha jidka Lawyacado-Fardaha-Boorama iyo Daraasada socota ee Mashruuca Hargeysa-Oodweyne-Burco.
Kulamaadaasi ayaa waxay kusoo dhamaadeen is afgarad wanaagsan iyadoo dhawaan loo gudbi doono wajiyada labaad ee mashaariicdaasi.
Xafiiska Waaxda Xidhiidhka iyo Tiknoolajiyadda RDA