Heemaal News Network

Aadan Madoobe Oo Arrimo Muhiim ah kala Hadlay Wakiillo ka tirsan Beesha Caalamka.(Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay wakiilada beesha caalamka ee ka howlgala Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Shirka ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan xoojinta ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxaha Khawaariijta ah, iyadoo shirka muhiimadiisa inta badan xooga lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo maraya cutubkiisa afaraad.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay hannaanka dib u eegista dastuurka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne, xilli Baarlamaanka ka doodayo wax ka bedelka Dastuurka.

Beesha Caalamka ayaana Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa ay ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan wax ka bedelka Dastuurka iyo in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda .

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Aan Wada-hadalno waa aan Heshiino,Marka Ansixinta Dastuurka Waxaa Uu ku Dhacay Wadahadal Bulsho”

Heemaaln

Buuxinta kuraasta Banaan Ee Golaha Shacabka Somalia Oo Go’aan Laga soo Saaray.(Sawiro)

Heemaaln

“Baarlamaanka wuxuu soo Afjaray Waxyaabihii Lagu Xaman jiray Qaylo Quutayaal ayaa Hadhay..”RW Xamze

Heemaaln