Guddoomiyaha iyo wafdiga ka socda Ciraaq ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq, gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada labada wadan.
Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howsha guddiyada saaxiibtinimada ee baarlamaanada labada dal.