Raysal wasaaraha itoobiya oo maanta hor tagay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in aanu ka noqonayn heshiiskii ay dawladiisu la gashay Somaliland waxaanu ku celiyay sida ay muhiim iyo lagama maarmaan ugu tahay dalkiisa in uu heli marin badeed ay ka gaadhaan caalamka intiisa kale.
“Aduunka oo dhan Ha imaqlo maanta Ethiopia waxay Xaq-aan Baryo ahayn uledahay inay hesho Marin Badeed, heshiiska aan la galnay Somaliland waa heshiis kiro ah oo 50 sanadod Socon doona”
“Marka laga yimaaddo Soomaaliya lafteeda waxa aan leenahay bulshada ugu badan ee Soomaaliyeed ee ku nool caalamka, Soomaaliya waa dal aan walaalo nahay oo aan wadaagno xidhiidh taariikhi ah iyo mid dhaqan – ma lihin damac dhuleed iyo ajande dagaal midna.
Waxa aan dooneynaa marin-badeed, waayo u lagama-maarmaan kobaca dhaqaalaha waddankeenna baaxadda weyn – waxa aan rabnaa dheef wadaag annaga oo ixtiraamayna dariskeenna.”
Abiy wuxuu fadhiga ka sheegay in siyaasadda diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay ku salaysan tahay “nabad iyo iskaashi ay la yeelato dalalka oo dhan”. Wuxuu intaa ku daray in aragtida ah “Itoobiya waa sabool, mana gaari karto hamigeeda” in taasi loo baahan yahay in la saxo.
Hadalka Abiy ayaa ku soo aadaya ayadoo Soomaaliya ay ceyrisay diblomaasi Itoobiya u joogay Muqdisho, talaabadaasoo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal.