Heemaal News Network

Abiy Oo Erdogan u Sheegay in Laga Maarmaan tahay in ay Helaan Bad.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Recip Tayyib Erdowan ayaa yeeshay wadahadal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya iyo kan gobolka.

Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Erdowan dadaalka uu u galay xallinta khilaafaadka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, oo muddooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay khilaaf ka dhashay heshiis Itoobiya la gashay Somaliland.

Waxa uu sheegay Abiy Axmed muhiimad weyn ay leedahay dalkiisa in uu helo marin badeed ay heshiis ku yihiin Soomaaliya iyo Itoobiya , si ay uga faa’iideestaan dalkiisa ay kunool yihiin dad gaaraya 120 milyan oo qof oon heesan marin badeed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Madaxweyne Erdogan ee fududeynta xallinta isfaham waaga ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya. Wuxuu ku nuux-nuux saday in diirada la saaro sidii ay u heli lahaayeen bad ay adeegsadaan iyada oo heshiisv lagu yahay.

Wadahadalka dhaxmaray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Madxaweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli beri oo Isniin ah lagu wado in dalka Turkiga ka furmo wadahadal u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaa oo kawada hadlaya khilaafka labada dal u dhaxeeya.