Heemaal News Network

Abwaan Caan ah & dad kale oo ku dhintay qaraxii galabta

Taliska Booliska Somalia ayaa faahfaahin ka bixiyey Khasaaraha ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey afaafka hore ee barxadda Iskoolo Boolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan Booliska iyo dad kale oo shacab ah sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliska

“Maanta oo taariikhda tahay 17-oct-2024 abaaro 03:27 galabnimo ruux naftii halige ah oo isku soo xirey walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay xaafada isku raranta ah ee ka soo Horjeeda Barxada Iskool Boliisiya halkaas oo ay ku yaalaan Geedo ay Dadka Meesha Degan Harsadaan” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sida uu sheegay Booliska waxaa la xaqiijiyey dhimashada 7 ruux oo isugu Jira Ciidan iyo Shacab & dhaawaca 6 kale oo u badan dhaawacyo fudud oo isbitaalada lugahooda ku aadey.

Dadka ku geeriyooday qaraxan waxaa la soo sheegayaa inuu ku jiray abwaan Sugaal Cabdulle 40 sano ka mid ahaa kooxda Heegan ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ee maqaayad ku taalla afaafka hore ee Iskoolo Buluusiyo uu ka dhaco qarax noocan oo kale ah.