Heemaal News Network

Abwaanadii Reer Hargeysa Ee u Goostay Al Shabaab Oo ku Biiray Ciidanka kooxdaas

Al shabaab ayaa markii ugu horraysay shaacisay muuqaalka Abwaanada kala ah Nageeye Cali Khaliif & Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo ka mid ahaa Abwaanada reer Somaliland, kuwaasoo dhowaan u baxsaday Al-shabaab.

Gama’diid iyo Nageeye Cali Khaliif ayaa muuqaalka lagu arkay iyagoo ku labisan dareyska Kooxda, isla markaana ku hubeysan labo qori oo Ak-47 ah

Halka ay taagan yihiin labada abwaan waa duleedka degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool oo 90km u jirta degmada Xuddur oo ah magaala-madaxda Bakool.

Gama’diid ayaa muddo dhowr bilood la raadinayay isagoo ku noolaa magaalada Hargeysa oo uu ku noolaa, waxaana markii dambe soo baxay warar sheegayay inuu u goostay dhinaca Alshabaab.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Alshabab ayuu ku sheegay inuu muddo dhowr sano ah aaminsanaa fikirka xagjirnimada. Wuxuu tusaale usoo qaatay gabayadiisa oo u badnaa kuwa uu ku taageeri jiray dhaqdhaqaaqyada Alshabaab, isagoo dhowr jeer loo xiray inuu xiriir la leeyahay kooxdaas.

Nageeye Cali Khaliif ayaa isna ka baxay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa, dhowrkii sano ee la soo dhaafay isagoo barre ka ahaa Jaamacadda umadda oo ay maamusho dowlada Somalia mar kaliya ayaana la waayey isagoo markii dambe ka soo hadlay degmada Jilib oo haatan ah xarunta dhexe ee Al shabaab.