Aden Madoobe Oo Talaabo Qaaday Markii Xildhibaano Safar loo Diiday..
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaari doona caqabadaha ka taagan safarada iyo ku xad gudubka xildhibaanadda, taasoo ka dhalatay doodii arintaas la xiriirtay oo ay mudanayaasha Golaha Shacabka yeesheen kulamadii 2-aad iyo sedaxaad ee kalfadhigan lixaad.
Talaabadan ayaa timid xili dhowaan xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay sheegeen in laga hor joogsaday safar ay ku tegi lahaayeen magaalada Kismaayo sababo la xiriira khilaafka adag ee ka dhex aloosan DF iyo madaxda Jubbaland.