Heemaal News Network

Afduub loo Geestay Ganacsade Xaaji Maxamuud iyo Booliiska oo…

Kooxo hubeysan oon wali heybtooda la garan ayaa maalintii Sabtida aheyd ka afduubtay magaalada King William’s Town ee dalka Koonfur Afrika, ganacsade Xaaji Cabdiraxmaan Xaaji Maxamuud, oo kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee deganaa magaaladaasi.

Ehelada ganacsadaha ayaa sheegay in la afduubtay xilli uu kasoo tagay goobtiisa shaqada kuna sii jeeday hoygiisa, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo laga helay ganacsadaha oo gacanta u galay kooxo hubeysan oon heebtooda la aqoonsan.

Booliiska magaalada King William’s Town ayaana lala socodsiiyay maqnaashiyaha ganacsadahan caanka ka ahaa Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi, waxa ayna booliiska sheegeen in ay wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo ganacsadaha.

Kooxo hubeysan oo watay gaadiid ayaana la sheegay in jidka u galeen ganacsadahan Soomaaliyeed oo isna gaari watay, waxaaba la sheegay in baabuurtii ay wateen ku qaateen lana dhaqaaqeen, lamana hayo ilaa hadda xogta goobta ay la aadeen.

Dalka Koonfur Afrika ayaa marar badan lagu afduubtay ganacsato Soomaaliyteed oo qaarkood lacago madax furasho ah lagu soo daayay, burcada ayaana lala wadaagaa xogta ganacsatada lacagaha badan heesta , si ay u afduubtaan ugana helaan lacago madax furasho ah.