Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa kasoo muuqday Telefishinka dowladdiisa, isagoo bixiyay wareysi uu kaga hadlay arrimaha geeska Afrika
Afwerki ayaa ka hadlay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Masar iyo dalkiisa Eritrea, iyo xaalada Itoobiya.
Madaxweynaha Isaias ayaa cambaareeyey “wararka been abuurka ah iyo ololeyaasha ay faafiyeen xoogag shisheeye iyo taageerayaal ku sugan warbaahinta guud iyo warbaahinta bulshada, kuwaasoo sii xoojin doona khilaafaadka ka jira gobolka.”
“Heshiiska ay gaareen saddexda dal ee Eritrea, Somalia iyo masar uu “ugu muhiimsan yahay in la dhiso xasillooni gobolka ah. Danta ugu weyn ee Eriteriya ayaa ah in ay jirto “xasillooni iyo iskaashi guud oo ku saabsan Geeska Afrika oo dhan, wabiga Niil iyo dalalka deriska la ah Badda Cas,” ayuu yiri madaxweynaha.
“Eritreya gabi ahaanba ma doonayso inay aragto Itoobiya oo ku jirta xasillooni darro,” ayuu sheegay Isaias, isagoo carabka ku adkeeyay in heshiisyada ay gaareen dalalka gobolka ay yareyn doonaan kalsooni-darrada isla markaana ay noqon doonaan kuwo miro dhala.
Waxaa la ogyahay in khilaaf ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib markii ay Itoobiya heshiis is afgarad ah la saxiixatay Jamhuuriyada iskeed Madaxbaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland kaas oo ku saabsanaa marin badda ah iyo Masar oo Itoobiya ay isku khilaafsan yihiin arrimaha webiga Niilka.
Gaar ahaan ka dib markii ay Itoobiya ku dhawaaqday in ay doonayso in ay marto oo ay door ku yeelato badda cas, Eritera waxa ay si dadban u muujisay sida ay uga xun tahay. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer safaro ku tagay Eritereeya sanadkan gudihiisa.
Sidoo kale, waxaa marar badan la sheegay in heshiiska saddex-geesoodka ah ee lagu saxiixay Asmara kadib markii Soomaaliya ay saxiixday heshiis milatari oo la xiriira Masar uu yahay mid ka soo horjeeda Itoobiya. Laakiin Madaxweynaha Ereteriya ayaa ka beeniyey arrintaas..