Heemaal News Network

Ahmed Saleebaan Dafle Oo ka mid ahaa Shantii Nin Ee Golihii sare Kacaanka Iyo Taliyihii Nabad sugida Oo Geeriyooday

Waxaa caawa ku geeriyooday dala Oman Ahmed Saleebaan Dafle oo ka tirsanaa saraakiishii ugu sareysay dowladii Kacaanka ee uu hogaaminayey Madaweyne Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Ahmed Saleebaan Dafle ayaa tan iyo 35 sano ka hor markii talada dalka laga tuuray dowladii milateriga aheyd waxaa uu ku noolaa dalka dibediisa.

Marxuumka Axmed Dafle ayaa ka mid ahaa shantii nin ee ugu sareysay Golihii sare ee Kacaanka sidoo kale-na ahaa Xoghayihii Siyaad Barre.

Sidoo kale waxaa uu soo noqday taliyaha heyadda Nabad Sugida Soomaaliyeed ee dowladii Mlateriga (NSS) xilkaasuu uu muddo dheer hayey.

Dafle ayaa ka mid aha saraakiishii uu kalsoonida ugu badan ku qabay Marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxweymihii dowladii milateriga ee dalka Maamuleysay mudada 21-ka sano ah.

HOOS KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUMKA

Taariikh-nololeedkii AUN. Jeneral Axmed Suleymaan Cabdalla “Dafle” wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii 1937dii. Hooyadiis, Arda Xuseen, ayaa geeriyootay isaga oo 13 jir ah, halka aabihiis uu geeriyooday sanadkii 1974kii. Waxbarashadiisii hoose wuxuu ku qaatay magaalada Burco, halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka Kariimka. Sanadkii 1949kii, wuxuu waxbarasho ka bilaabay magaalada Hargeysa.

Sanadkii 1955kii, Axmed wuxuu ka mid noqday ardaydii waxbarashada ka bilaabay Machadka Farsamada ee Cadan. Kadib, wuxuu tababar milatari u aaday “Royal Military Academy” ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ku soo bartay cilmiga ciidamada lugta. Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, wuxuu macallin ka noqday Dugsiga Saraakiisha Ciidamada ee Muqdisho.

Sanadkii 1965kii, Axmed wuxuu dallacay darajada Dhamme (3-xiddigle) waxaana loo magacaabay taliye urur ciidan oo fadhigiisu ahaa magaalada Gaalkacyo. Sanadkii 1967kii, wuxuu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa magaalada Seylac. Bishii September ee sanadkii 1967kii, wuxuu madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu noqday xoghayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre.

Sanadkii 1968kii, Axmed wuxuu dallacay darajada Gaashaanle, waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii milatariga ee afgambiga aan dhiigga ku daadan kula wareegay talada dalka sanadkii 1969kii. Sanadihii 1970kii ilaa 1971dii, waxaa loo dallacsiiyay darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare. 8dii Janaayo 1971kii, wuxuu noqday Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Qaranka (NSS), ka dib markii la mideeyay xafiisyadii “Special Branch” iyo Wardoonka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Intii uu xilkaas hayay, Axmed wuxuu door muhiim ah ka qaatay xoojinta amniga gudaha ee dalka waxa uuna si xooggan u dhisay qeybaha kala duwan ee Hay’adda Sirdoonka oo kamid noqotay kuwa ugu sarreeya qaaradda Africa.

Axmed Saleebaan Dafle wuxuu sidoo kale ka mid ahaa wafdigii Soomaaliya u dirtay dalka Mozambique sanadkii 1974kii, si ay u taageeraan jabhaddii FRELIMO ee halganka ugu jirtay xornimada dalkaas. Taageeradan waxay muujisay doorkii Soomaaliya ay ku lahayd xornimo doonka Afrika.

Kadib burburkii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991kii, Axmed Saleebaan Dafle wuxuu ka mid ahaa muwaadiniintii ka fogaaday dagaalladii sokeeye, wuxuuna ku noolaa dibadda muddo dheer.