Heemaal News Network

Ajaaniib Laga Heay Cudurka HIV Oo laga Musaafuriyay Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan waaxda Faayadhowrka ,ayaa ku guuleestay ay soo qabtaan dad qaba cudurada faafa sida HIV AIDS , kuwaa oo bulshada caasimadda ka dhax shaqeenayay iyaga oo og in cudurkaasi qabaan iyo qaar kale oon ogeyn.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in lasoo qabtay dad gaaraya 35-qof oo qaba cudurka faafa ee HIV AIDS , kuwaa uu sheegay in ay hayeen shaqooyin kala duwan ayna halis aheyd in bulshada cudurka kusii faafiyaan.

Waxa uu sheegay afhayeenka in dadka cudurkan laga helay afar qof kamid ah ahaayeen ajaaniib dalka ka shaqeeneysay, kuwaa uu tilmaamay in ay ahaayeen dhaqaatiir, cuntakariyaal iyo sidoo kale kuwa ka shaqeeya meelaha la isku qurxiyo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dalka laga masaafuriyay ajaaniinta laga helay cudurka faafa ee HIV AIDS, si khatartooda looga badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in lasii wadayo baaritaannada lagu sameenayo ajaaniibta iyo dadka kale ee goobaha muhiimka ah ka shaqeeya.

Waxa kale uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir in dad kale oo gaaraya 300-qof laga helay cudurada faafa Habatatis D iyo C, kuwaa uu sheegay dadka qaba in si ogaal bulshada uga dhax shaqeenayay halka kuwa kalana aysan ogeyn.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli waaxda Faayadhawrka maamulka gobolka Banaadir goobaha ganacsi ee Muqdisho ka bilaabeen in dadka ku sameeyana baaritaanno qasab ah, waxaana dadka laga qaadayaa lacago qaarkood sheegeen in aysan awoodin.