Heemaal News Network

Aqalka Cad Oo ku Dhawaaqay in Berri Uu Dhaqan-geli doonto Canshuur 104% Ee la Saaray Shiinaha

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay inay berri si rasmi ah u dhaqangeli doonto canshuur 104% oo la saaray badeecadaha Shiinaha , kaddib markii ay dhammaatay waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay Shiinaha inuu dib uga laabto canshuur dheeraad ah oo 35% ee maalin ka hor uu saaray badeecada Mareykanka.

Hadda waxaan aragna bilowga dagaalka ganacsi oo halkii u sarreeyay gaaray , iyadoo go’aanka Mareykanka uu ka dhiganyahay haddii wax ka yimid Shiinaha ay ku kici jireen $100, markii hore soo dejinta hadda waa inay bixiyaan $204 si ay u soo galiyaan Mareykanka…! Intaa ku dhammaanayso oo waxaa la filayaa inuu go’aankan ka jawaabo Shiinaha , taa oo si dhaqso ah khalkhal u gelinaysa dhaqaalaha adduunka.