Heemaal News Network

Askari katirsan Ciidanka Dowladda Oo Togasho ka Geestay Xero ku Taalla Muqdisho

Askari katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa galabta toogasho ka geestay xero ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana toogashadan dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay askar kale oo ciidanka katirsan.

Sida aan xogta ku helnay askari katirsanaa guutada Khaalid Bin Waliid ayaa gudaha xerada ciidanka ee Nacnaca ee kutaalla Wadajir ku dilay saddex askari oo katirsanaa ciidanka , halka sidoo kale ku dhaawacay askar kale.

Ciidanka xoogga ee ku sugnaa gudaha xerada ayaa la sheegay in ay toogteen askarigii dilka iyo dhaawaca u geestay askarta kale ee xerada ku sugnaa, mana jiro faah faahino saraakiisha ciidanka ka baxsheen toogashadan.

Dhawaan ayey aheyd markii nin katirsanaa Al Shabaab kana mid noqday ciidanka xoogga dalka xerada Jeneraal Gordon ku dilay saraakiil u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta iyo saraakiil kale oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib, kaddib rasaas xooggan uu ku furay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xildhibaanadda Labada Aqal Oo ka Dooday Dibu Eegista Qodobo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

Heemaaln

Heshiiski ku Biirista Somaliya Ee Ururka Bariga Afrika EAC Oo Su’aalo Laga Keenay.(Sawiro)

Heemaaln

Xilibaan Deeqa Dhalac Oo Kulan La Qaadatay Xilibaanada Wasiirada Iyo Garaadada SSC-Khaatumo.

Heemaal