Askarigii Israa’iili ee Edan Alexander oo Mareykanku shalay kusii deysay wada-xaajood uu la galay Xamaas, ayaa diiday inuu la kulmo Netanyahu.
Askarigan, wuxuu ku eedeyay Netanyahu inuu dil ku xukumay, sabab la xiriirta inuu burburiyay heshiisyo dhowr ah oo naftiisa lagu badbaadin lahaa, ilaa markii dambe heshiis uu Mareykanka la galay Xamaas lagu sii daayay.