Heemaal News Network

Axmed Al-Sharac Oo loo Doortay Madaxwaynaha KMG Ee Suuriya Kuna Dhawaaqay Qorshahiisa Cusub

Axmed Al-Sharac, ayaa si kumeel-gaar ah loogu magacaabay madaxweynaha Suuriya, kaddib markii ay si wadajir ah isugu raaceen dhammaan kooxihii ka qeybqaatay kacdoonkii militari ee xukunka looga tuuray Bashaar Al-Assad.

Axmed Al-Sharac ayaa hoggaamin doona Al Sharac, geeddi-socodka dawlad dhiska Suuriya oo ku billaabanaya wadatashiyo qeybaha bulshada ee Suuriya oo ay xigto sameynta dastuur iyo doorasho guud oo dadweynaha ay codkooda ka dhiibanayaan.

Madaxweynaha la isku raacay galabta ee Suuriya, Axmed Al-Sharac ayaa ku dhawaaqay, arrimaha u horreeya ee uu doonayo inuu ku hoggaamiyo Suuriya. “ Mudnaanta Suuriya maanta waa; ilaalinta nabadda rayidka, dhisidda hay’adaha dawliga ah, ka shaqeynta dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta, iyo soo celinta sumcadda Suuriya ee gobolka iyo caalamka.”

Sidoo kale waxaa caawa la kala diray Kooxahan ka qeybqaatay kacdoonkii xilka looga tuuray Bashaar Al-assad ee Suuriya, waxaana ciidamada hoostagayay kooxahan oo ay ku jirto kooxda hoggaaminaysay kacdoonka ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) lagu biiriyay wasaaradda difaaca oo soo dhisaysa ciidanka rasmiga ah ee hay’adaha ammaanka iyo militariga Suuriya.

Geeddi-socodka dawlad dhiska Suuriya , wuxuu qaadan karaa wax ka badan toddobo sanno, si loo dhammeystiro dastuur oo la diyaariyo doorasho dadweyne.