Heemaal News Network

Axmed Madoobe oo la Loodin waayey & Shirka Golaha wadatashiga oo..

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu gudoominaayo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si habsami leh uga socdo xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho,

iyadoo maantana uu galay maalintii afaraad ay madaxda heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Kulamadii maanta ayaa waxa ay ahaayeen kulan doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey gudiyo farsamo, kuwaasoo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka Golaha.

Inkastoo Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe uu qaatay fasax ku aadan ka qeybgalka xafladda sanadguurada Hirshabelle balse waxa uu ku soo biiri doonaa kulamada berrito lagu balansan yahay.

“Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Xudeyfi Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Jubbaland, Axmad Madoobe, iyo madaxda dowladda Federaalka.

Axmad Madoobe ayaa si cad u diidey inuu beddelo mowqifkiisa ku aaddan nooca doorashada ee Villa Somalia ku adkeysaneyso oo ah doorasho dadweyne.

Wararka ayaa sheegaya in kadib markii Madaxweynaha Jubaland diidey qorshaha Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse, ay madaxda Villa Somalia u direen madaxda seddexda maamul goboleed ee horey u aqbalay qorshahaas, si ay u qanciyaan Axmad Madoobe. Hase yeeshee, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Axmad Madoobe uu ku gacan seyray dadaalladii lagu rabay in lagu qanciyo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo galay maalintii afaraad ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta berito ah.