Shirkan muhiimka ah ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada ilaalinta deegaanka, kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada, iyo la tacaalidda saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka deegaanka ee ka jira Jubaland ay salka ku hayaan ficillo ay kamid yihiin:
• Deegaamaynta sharci darrada ah
• Jarista aan xadidneyn ee dhirta
• Isticmaalka aan waxtarka lahayn ee dhuxusha
• Qodista ceelal badan oo isku dhow iyo samaynta waro biyoodyo aan qorsheysneyn
Madaxweynaha ayaa si gaar ah faray Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha Amniga in ay si wadajir ah uga hortagaan ficillada halista ku ah deegaanka, loona diyaariyo qorshe cad oo lagu maareeyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, si loo yareeyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.