Heemaal News Network

Baadigoobka Weriye Caan ah Oo Lagu La’yahay Dalka Griigga Oo Wali Socda.

Waxaa weli la baadigoobayaa weriye caan ah oo lagu magacaabo Michael Mosley oo BBC katirsanaa kaas oo lagu waayey dalka Griigga oo uu fasax nasasho ah ku joogay.

Baadigoobka ayaa hadda u wareegay dhul buuraley ah oo fog oo ku yaalla jasiiradda Symi ee dalka Giriiga.

67-jirka, oo caan ku ahaa barnaamijyadiisa TV-ga iyo BBC Radio 4 Just One Thing podcast, ayaa la waayay Arbacadii isagoo fasax ku jiray.

Hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta, oo ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa mar kale bilowday subaxnimadii Sabtida.

Afartiisa caruur ah ayaa yimid Griigga si ay gacan uga geystaan ​​raadinta. Xaaskiisa Dr Clare Bailey Mosley ayaa sidoo kale ka baadi goobaysay jasiiradda iyada oo ay ku biireen saaxiibadeed Ingiriis ah, sidi uu sheegay duqa jasiiradda Symi.