Heemaal News Network

Baaritaanka Dhacdo Halis ah Oo ka Bilaabatay Gudaha Israel

Isra’iil waxaa ka bilowday baaritaanka dhacdo ammaan oo halis ku ah amniga gudaha Israa’iil, kaddib markii la xiray saraakiil ka tirsan xarun caafimaad oo la sheegay iney u muuqatay door iney ku leedahay xaalad helis ah oo ku soo wajahnayd Israa’ii sida ay Al-jazeera ka soo xigatay telefishinka Israa’iil ee Channel 13

Lama bixin wax sharraxaad ah oo la xiriirta dhacdada amni ee loo xiray sarkaalka caafimaad.

Ku dhawaaqista dhacdadan ee gudaha Israa’iil, ayaa sare u qaadaysa walaaca Netanyahu uu ka qabo xaalad wax u dhimaysa joogitaanka xafiiska oo laga abaabulo gudaha Israa’iil, xilli toddobaadyo ka hor laga soo xigtay xaaska Netanyahu Sara Netanyahu, inay saraakiisha militariga iyo xubno ka mid ah mucaaraadka ay isku dayayaan inay afgambiyaan ninkeeda.

Qorshe la’aanta dagaalka, inan la gaarin muddo sagaal bilood ah sawir guul ah oo ay Israa’iil ka soo bandhigi karto dagaalka iyo in lagu guul-darraystay muddadaa in xorriyadooda loo soo celiyo maxaabiista ayaa cadaadis xoog leh oo gudaha ah ku abuuraysa saacad kasta Netanyahu oo hadda ay sare martay eedeymaha loo jeediniyo ee ah inuu sii socoshada dagaalka ku doonayo hab oo xukunka ku dheereysto.