Heemaal News Network

Baaritaanka FBI-da Oo Lagu Sheegay in Iran Jabsatay Xogtii Ololaha Trump

Iran ayaa ka dambeysay jabsiga dhawaan lagu sameeyay xogta ololihii doorashada madaxtinimada ee Donald Trump, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha sirdoonka Mareykanka.

FBI-da iyo hay’ado kale oo federaal ah ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in Iran ay dooratay inay farageliso doorashada Mareykanka “si ay u huriso khilaaf una wiiqdo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dimuqraadiga ah”.

Ololaha Trump ayaa farta ku fiiqay Iran 10-kii Agoosto jabsashada fariimaha gudaha. Saraakiisha Iran ayaa beeniyay.

Ilo-wareedyo aqoon u leh baaritaanka ayaa u sheegay warbaahinta ay shaqo wadaagga yihiin BBC-da, ee CBS News, in ay tuhunsan yihiin in burcadda Iran ay sidoo kale beegsadeen ololaha musharaxa madaxweyne ee Dimuqraadiga Kamala Harris.

Ololaha Trump ayaa lagu soo waramayaa in loo soo diray fariin loogu talagalay in ay u muuqato mid la aamini karo si loo helo bartilmaameedka inuu gujiyo.

Ololaha Harris ayaa sheegay todobaadkii hore in sidoo kale lala beegsaday weerar, inkastoo lagu guulaysan waayay.

Ma cadda macluumaad la xaday intii lagu jiray jabsiga. Trump ayaa sheegay in tuugada ay awoodeen oo kaliya in ay helaan macluumaadka si guud loo hayo.