Heemaal News Network

Baarlamaanka Labada Aqal Oo Ansixiyay Heshiiska Badda Ee ay Gaareen Somaliya iyo Turkiga

Xildhibaannada labada Aqal ee ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw ansixiyey heshiiska iskaashiga ee difaaca iyo dhaqaalaha ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka labada Aqal oo ay fadhiyeen 216 ayaa heshiiskan waxaa oggolaaday 213 mudane oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka , waxaa diiday 3 mudane, mana jirin wax xildhibaanno oo ah ka aamusay ansixinta heshiiskan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaana shaaciyay in hreshiiskan taariikhiga ah ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya xildhibaannada si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Heshiiskan ay maanta ansixiyeen labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa ah mid wax badan u taraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa ayn Soomaaliya heleysaa garab ka difaaca cid kasta oo ku xad-gudubka badeeda iyo dhulkeeda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xasan Sheekh Oo si Adag Uga Hadlay wax ka Bedelka Dastuurka ay Farmaajo iyo Shariif…

Heemaaln

Labbada Gole Ee Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyadda Ku Ansaxiyey Wax Ka Badalka Dastuurka

Heemaal

Itoobiya Oo ka Fikireysa Inay ka Laabato Is-afgaradkii ay la Galeen Somaliland

Heemaaln