Heemaal News Network

Baarlamaanka Ruushka Oo Maanta Ansixiyay Heshiiska Iskaashiga Milatari Ee Ruushka iyo Iran

Baarlamaanka Ruushka ayaa maanta ansixiyay heshiiska iskaashiga istaraatijiyadeed ee ay horey u galeen Ruushka iyo Iran, kaasoo dhigaya iskaashi ay labada ka yeelanayaan dhinacyo badan oo difaaca ku jiro, balse heshiiskan ma gaarsiisna midka uu Ruushka kula jiro Belarus iyo Kuuriyada Waqooyi , oo dhigaya inuu Ruushka difaaci doono haddii labadaa dal la soo weerarro.

Heshiiska Iran iyo Ruushka ,oo soconaya muddo 20 sanno , waxaa ku jira dhoolatus ciidan oo wadajir ah, wadaaga sirdoonka, iskaashiga hubka, barnaamijyada tababarka, iyo amniga badda. haddii labada dal midkood la weerarro, ka kalena ma caawin doono cidda weerarka qaaday, wuxuuna horumarin doonaa xal nabadeed oo ku salaysan sharciga caalamiga ah.

Heshiiskan faa’iidooyonka ku jira ayaa ah inay labada dal wax ku kala iibsan doonaan lacagtooda, taa oo ka caawinaysa inay adkaysi u yeeshaan nooc kasta oo cunaqabateyn ay kala kulmaan reer galbeedka.