Heemaal News Network

Baarlamaanka Switzerland Oo Diidday $5.5 bilyan Oo Dawladdu u Qoondeysay Ukraine.

Baarlamaanka Switzerland, ayaa diidday $5.5 bilyan oo dawladda Switzerland u qoondeysay in lagu taageerro Ukraine.

Go’aankan ayaa waxuu soo baxay iyadoo xulafada galbeedka ay ku cadaadinayeen Switzerland inay sare u qaado taageerrada Ukraine , balse sharci-dejiyeyaasha garabka midig ayaa ku cadaadinaya dawladda inay dhex-dhexeed ka noqoto dagaalka Ukraine iyo Ruushka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters.