Heemaal News Network

Beelaha Isaaq Iyo Ogaadeen Oo Xal ka Gaaray Dagaalkii Dacawalay

Beesha Reer Isaaq Ogaadeen iyo Beelaha Garxajis ayaa isla qaatay inaanay deeganadooda ku faafin colaadii ka dhacday Dacawaleey sidoo kale waxay ku heshiiyeen kuwada noolaanshaha Nabadda iyo in laga wada shaqeeyo horumarka Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Labada beelood ee walaalaha ahi waxay samaysteen guddi wada jir ah oo arrimaha nabadda iyo horumarka deegaankooda ka shaqeeya waxaanay baaq nabadeed u direen guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ay ugu duceeyeen in illaahay dhexdooda is afgarad dhigo.