Ololaha doorashada Mareykanka waxaa mar kale qabsatay dhimashada maxaabiista Israa’iiliyiinta ee meydadkooda laga helay Qasa.
Joe Biden, ayaa sheegay inay suragal tahay in la gaaro heshiis xabbad-joojin ah, balse si dhaqso ah saraakiisha Israa’iil ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in iskuday kasta oo lagu gaari karo heshiis xabbad-joojin ah uu ku dhowyihiin burbur.
Maxay hadalladan iskumar usoo baxayaan?
Biden , wuxuu ka fogeynaya ololaha dimuqraadiga hoos u dhac ay gaarsiiso guul-darrada maamulkiisa ee ah inuu awooddi waayay joojinta dagaalka Qasa, waa sababta aad marar badan uga maqlayso si indho la’aan ah in heshiis lagu dhowyahay.
Xaaladan waxaa ka ganacsanaya Donald Trump , oo ku qancinaya Netanyahu inuu dib u dhigo heshiis laga gaaro dagaalka Qasa, si horumar uu u gaaro ololaha jamhuuriga, taa oo muuqata inuu Netanyahu fulinayo, waayo wuxuu heysta ballanqaad taageerro dhammeystiran iyo Trump inuu ka heli doono xorriyad uu dagaalka ku sii wado iyadoo la aamusinayo codka gudaha Israa’iil iyo dhaleeceynta reer galbeedka. Dhab ahaantii natiijada jamhuuriga ee doorashada Mareykanka waxay masiibo ku tahay xaaladda Qasa.