Heemaal News Network

Bishar Al-Asad oo xaalku ku xun yahay & Mucaaradka oo qabsaday..

Mucaaradka Siiriya ayaa u jiheystay gobolka deriska la ah Xalab ee Xuma, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda madaxweyne Asad

Shabakada DamasPost, ayaa ku warrantay in saraakiisha nidaamka Bashaar Al-assad iyo kooxaha ay Iran taageerto inay qoysaskooda ka saareen magaalada Xumus, waxayna u qaxeen dhinaca xeebta iyo caasimadda Dimishiq, iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay in Bashaar Al-Assad uu qoyskiisa shalay geeyay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

Dhaqdhaqaaqyo dadka rayidka ah ay uga soo horjeedaan ciidanka nidaamka Bashaar Al-assad ayaa ka socda baadiyaha Dimishiq illaa magaalada Xumus, waxay weerarrayaan baraha koontoroolada iyo saldhigyada, iyadoo magaalada dambe ay tahay halka la filayo inay maanta wajahaan ciidanka mucaaradka ee ka soo gudbay magaalada Xama, sida ay ku warrantay shabakadda Halab Today.

Sida ay ku warramayaan telefishinka Al Jazeera iyo Halab today dhaqdhaqaaqa mucaaradka waxay qabsadeen magaalooyinka Khanaser-Safira, Al-Kabariyya iyo Maan oo ka tirsan waqooyiga Xama, tan oo ka dhigaysa howlgalka mucaaradka inuu ku socdo hab istiraatiji ah oo ay ku weerarrayaan jihooyin badan waqti isku mid ah, waxayna u muuqdaan inay ku weerarrayaan magaalada Xumus dhowr jiho oo kala duwan, iyadoo magaaladan ay tahay halka ugu horreeya ee lagu tijaabinayo awoodda ciidanka ka amarqaata Bashaar Al-assad.

Sida uu ku warramay kanaalka Syrian mucaaradka Suuriya waxay gacanta ku dhigeen dhowr warshadood oo ku dhaw magaalada Al-Safira ee gobolka Xalab oo hubka lagu farsameeyo oo ay jiraan kuwa soo saara, laguna kaydiyo hubka kiimikada ee horey maamulka Bashaar Al-assad uu u adeegsaday magaalooyin ay dad rayid ah degganyihiin oo ku yaalla waqooyiga Suuriya.

Kumanaan ka mid ah dagaalyahanada Jabhadda Mucaaradka ku ah dowladda Suuriya ayaa Sabtidii la wareegay inta badan magaalada Xalab, iyagoo fariisimo ka sameystay meelo ay ka mid yihiin saldhigyada waaweyn iyo garoonka diyaaradaha.

Sida ay sheegeen kormeerayaasha iyo jabhadda, ma jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamada dowladda Bashar Al-Asad ee Siiriya oo Xalab maamulayay tan iyo sannadki 2016-ki, markaasoo ay dib ugala wareegeen Daacish.

Kormeerayaasha kor kala socda colaadda iyo xaaladda xuquuqul insaanka ee Siiriya ayaa sheegay, in maleeshiyada kooxda Xayaat Taxriir Al-Shaam, ay hadda gacanta ku hayaan garoonka Xalab, taasoo ka digan in ay gacanta ku dhigeen garoonkii ugu horreeyay oo caalami ah tan iyo marki ay si lama filaan ah dib ugu soo rogaal celiyeen Suuriya.

Milatariga Suuriya ayaa Sabtidi sheegay in tobnaan ka mid ah ciidamadooda lagu dilay dagaal ay la galeen kooxda Hayat Tahrir al-Sham, kuwaasoo la wareegay magaalada weyn ee Xalab.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa iyaduna sheegtay, in ciidanka cirka Ruushka uu duqeymo cirka ah ku garaacay bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen mucaaradka Suuriya si ay u taageeraan ciidamada Dowladda.

Kooxda Hayat Tahrir Al-Sham, oo horay loo dhihi jiray Jabhadda Nusra, ayay dowladaha Maraykanka, Ruushka, Turkiga iyo dawlado kale u aqoonsan yihiin koox argagixiso.