Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa mar kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada Bariga Dhexe inay joojiyaan waxa uu ugu yeeray ‘ficilada dagaal kicinta ah ‘ ka dib dilkii Ismaaciil Haniyeh ee lagu dilay dalka Iran iyo taliyihii ugu sarreeyay Hezbollah ee Beirut.
Mr Blinken ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga gudbo isku dhacyada iyo rabshadaha.
Baaqaas ayaa sidoo kale ahaa aragti uu ka dhawaajiyay afhayeenka guddiga Yurub ee arrimaha dibadda Peter Stano, markii la waydiiyay jawaabta Midowga yurub ee dhacdooyinkii u dambeeyay ee Bariga Dhexe.
Saacado ka hor, shir degdeg ah oo ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku baaqeen dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah si looga fogaado isku dhac ballaaran oo ka dhaca gobolka.