Heemaal News Network

Boggaga Facebook iyo Instagram Ee Trump Oo Xayiraaddii Laga Qaaday.

Shirkadda baraha bulshada ee Meta ayaa xayiraadda ka qaaday boggiisa Facebook iyo Instagram, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyadoo doorashada madaxtinimo ee dalkaas lagu wado in ay dhacdo bisha November.

Bogaggiisa ayaa la hakiyay 2021 ka dib markii uu ammaanay taageerayaashiisa xoogga ku galay dhismaha congreska 6-dii Janaayo.

Waxaa dib loo soo celiyay sanadkii hore laakiin waxaa si adag loo ilaalinayay waxyaabaha u ku qorayo, iyadoo loo jeediyay digniin ah in laga joojin doono mar kale haddii Mr Trump uu jabiyo shuruucda.