Heemaal News Network

Booliiska Kenya oo ka digay fal ay Qorsheenayaan Dibadbaxayaasha

Dalka Kenya waxaa ka socda dibadbaxyo rabshada wata oo ay dhigayaan dhallinyarada dalka Kenya , kuwaa oo kasoo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto, waxa uuna dalbanayaan dhallinyarada in Madaxweynaha uu is casilo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dibadbaxayaasha Kenya ay qorsheenayaan in ay galaan goobo dowladda muhiim u ah sida garoonka diyaaradaha Jomo Kenyata iyo xarumo kale dowladeed oo si weyn loo adkeeyo ammaankooda.

Ku-simaha taliyaha Guud ee booliska dalka Kenya Douglas Kanja Kirocho, ayaa uga digay dibadbaxayaasha in aysan isku dayin in ay galaan goobaha ay dowladdu ilaaliso, sida garoomada diyaaradaha iyo xarumaha kale ee dowladda.

“Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo, mudaaharaadka hadda socda waxa uu noqday meel ay ku dhuuntaan dambiilayaasha, kuwaas oo ku dhiiraday inay dhacaan oo ay burburiyaan hantida dadka Kenyaanka ah ee dadaalka badan” ayuu yiri taliye Douglas Kanja Kirocho.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay heleen xoggo sirdoon oo sheegaya in dhallinyarada dibadbaxyada wada ay qorsheeyeen in ay xoog ku galaan ayna dhibaato ka geestaan garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta oo ammaankeeda si weyn loo adkeeyo.

“Lama aqbali doono in garoonka diyaaradaha la soo galo, haddii aadan ogolaansho heysan, taasi lama aqbali doono, ciidamada ammaankana feejignaan ammaanka lagu xaqiijinayo ayey ku jiraan ” ayuu yiri Taliyaha Booliska.

Dalka Kenya waxaa hareeyay dibadbaxyo rabshado wata oo dhallinyarada dalkaasi dhigayaan, waxaana ka dhashay dibadbaxyadaasi khasaaro dhimasho iyo mid maaliyeed oo aad u badan, waxaana laga cabsi qabaa in dibadbaxyada ay sii xoogeestaan.