War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Sool , ayaa lagu sheegay in ciidamada gacanta kusoo dhigeen eedeysane Ismaciil Yusuf Cabdi oo loo garan ogyahay (Macaliin Kaalafooto), ninkan ayaana laga soo qabtay deegaanka Goobaale ee katirsan degmada Taleex.
Sida aan xogta ku helnay ninkan ayaa loo heestaa cod dhawaan laga duubay oo lagu baahiyay baraha bulshada, waxa uuna ninkan sheegayay in uu kawada tirsan yahay maamulada Khaatumo iyo Somaliland, uuna la shaqeeyo labada dhinac, inkastoo markii dambe warkaasi uu raaligelin ka bixiyay.
Bulshada SSC Khaatumo, ayaa ugu baaqayay laamaha amniga iyo maamulka in ninkaasi gacanta kusoo dhigaan kuna sameeyaan baaritaano, iyaga oo sheegay in ay tuhmayaan in ninkaasi yahay mid labo kaar leh oo labada dhinacba la shaqeeya.
Booliiska maamulka Khaatumo ee gacanta ku haya ninkan la tuhmayo ayaa sheegay in ay horgeenayaan maxkamadda gobolka Sool, waxa ayna bulshada deegaanka uga digeen in baraha bulshada ku gudbiyaan farriimo kasoo horjeeda qadiyadda Khaatumo.