War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Mascuud Garweyne loo xiray gaf uu u geestay hay’adaha Garsoorka dalka, sidoo kale waxba kama jiraana ku tilmaamay xukunno ay maxkamadaha horey u rideen.
Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaana sheegay in eedeysanaha lasoo xiray ku socdaan baaritaanno, waxa ayna xuseen in si deg deg ah loo horgeyn doono maxkamadaha kiiskiisa ku shaqada leh.
Xariigga ninkan ayaa imaanaya xilli xalay Booliiska Muqdisho xireen qaar kamid ah dad maalin hore bannaan-bax rabshado watay ka dhigay xaafada Daarusalaam, waxaa sidoo kale horey loo xiray dhallinyaro isticmaasha baraha bulshada kicin qabiil iyo bulsho waday.