Heemaal News Network

Booliiska Muqdisho Oo Raadinaya Hooyo iyo Wiilasheeda Oo Dil Argagax leh Geestay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa wada howlgalo ay ku baadigoobayaan hooyo iyo labo wiil ay dhashay , kuwaa oo ku eedeysan in habeen hore gurigooda oo kuyaalla degmada Kaaraan ku dileen ninkii qabay hooyada reerka.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka raadinayaan hooyada iyo wiilasheeda dilka geestay, kuwaa oo dilka kaddib baxsad galay.

”Eedeysaneyaasha kala ah 1. Ruqiyo Axmed Cabdulle 2. Kamaal Aweys Maxamed 3. Cabaas Salaad Shaandi oo ku eedeysan in ay 09 feb 2024 mindi ku dileen Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi oo ahaa ninkii qabay Ruqiyo ilmahana adeer u ahaa uu soo koriyay ayna dhashay naagtiisa oo ah mida hada wax ka dishay marxuumka, isla markaana baxsadeen” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay booliiska.

Taliska booliiska ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay lasoo wadaagaan xogta hooyadan iyo wiilasheeda baxsadka ah, waxa ayna booliiska sheegeen in rejo ka qabaan in lasoo qabto hooyada iyo wiilkeeda dilka geestay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Biixi Oo Abaal marin Gudoonsiiyay Ardeydii Ku Guuleystey Tartanka Quraanka

Heemaaln

Deni iyo Golihiisa Wasiirada Oo Shan Qodob ka soo Saaray Magaalada Garowe.(Sawirro)

Heemaaln

Xildhibaanada Guurtida Oo soo Buux dhaafiyey Barxada Golaha iyo Shir Madaxtooyada ka socda

Heemaaln