War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska ayaa lagu sheegay in lasoo xiray eedeysane, Liibaan Cabdi fitaax Daahir 18 jir ah kuna eedeysan in uu ku kacay falal Anshax-xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Booliiska ayaana sheegay in ninkan lasoo xiray la horgeyn doono caddaaladda , si loogu qaado dambiga uu galay ciqaabteeda, waxa ayna booliiska dhallinyarada Soomaaliyeed uga digeen falalka anshax-xumada ah ay baraha bulshada ku faafinayaan.
Ciidanka booliiska Soomaaliya ,ayaa sidaan oo kale xalay u xiray nin kale oo dhallinyaro ah oo isna lagu eedeeyay in uu ku kacay fal dhaqan-xumo ah, wiilkaas ayaana muuqaal isaga oo dhaqan xumo ku sameenaya gabar xanuunsan ku baahiyay baraha bulshada.