Booliiska Oo Gacanta kusoo Dhigay Eedeysane Muqdisho ku Dilay Ciyaartahan ka Tirsanaa May 25, 2025May 25, 2025 Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan inuu dilay Marxuum Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo ahaa ciyaaryahan horay kubadda Qaranka ugu soo cayaaray. Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo shaaciyey soo qabashada eedeysana ayaa balan-qaaday in la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh.