War kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ku guuleesteen in ay dilaan labo nin oo katirsanaa Al Shabaab ,kuwaa oo ay sheegeen booliiska in qorshahoodu ahaa in ay dilaan labo askari oo booliiska katirsan.
Booliiska warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerarkan uu dhaawac kasoo gaaray hal askari oo katirsanaa ciidanka Booliiska, waxa ayna intaa ku dareen in ciidamada gacanta ku hayaan meydadka raggii hubeysnaa iyo hubkii ay vwateen.
Dhawaan ayey aheyd markii xaafadan maanta lagu dilay ragga hubeysan ee katirsanaa Al Shabaab dil ugu geesteen isla xaafadan labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda, kuwaa oo ay dilka kaddib horey uga sii qaateen hubkii ay askrta ay dileen wateen.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid muddooyinkan dambe soo hagaagaya, waxaana aad u yaraaday dilalka ay geestaan kooxaha hubeysan, iyadoona ciidamada ammaanka ee Booliiska iyo Nabadsugidda ku jiraan feejignaan dheeri ah.