.Xaruntan Islamic Center Hamburg (IZH) oo sidoo kale loo yaqaan Masjidka Buluuga ah, ayaa Iiraaniyiin dalkooda laga soo masaafuriyay waxay aasaaseen sannadkii 1953-dii, tan iyo kacaankii Iran ee 1979, waxay xaruntan xiriir la lahayd dawladda Iran.
Jarmalka ayaa lagu eedeynaya inuu tallaabadan u qaaday, isagoo fulinaya codsi ka yimid Israa’iil, waxaana xaruntan lagu eedeeyay inay maalgeliso Xisbullah oo taageerta Xamaas iyo faafinta dacaayaddaha Iran.
Iran oo ka jawaabaysa tallaabadan; wasaaradda Arrimaha dibadda Iran, waxay u yeertay Safiirka Jarmalka u fadhiya Tehran si ay su’aallo uga waydiiso xayiraadda uu Jarmalka ku soo rogay xarunta Shiicada Jarmalka.
Hay’adaha ammaanka ee Jarmalka, ayaa goobtan ku eedeyay inay si toos ah ay u fuliyaan awaamiirta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, waxaa la sheegay in xaruuntan lagu qabtay xuska Qaasim Suleymani, Taliyihii hore ee Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran oo la dilay sanadkii 2020-ka.
Si kastaba ha ahaatee, xaruntan ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay waxayna ku adkeysatay inay tahay hay’ad samafal oo dhaqan isla markaana madax banaan.