Heemaal News Network

Booliska Kenya Oo Dad ku Dhaawacay Xerada Qaxootiga IFO

Ugu yaraan Afar qof oo Qaxooti ah ayaa ku dhaawacmay, kadib markii ciidamada booliska oo ilaalo ka hayay xarun lagu qaybinayay gargaar ay fureen rasaas, xilli rabshado ay ka dhasheen isbuurasho ka dhacday xerada qaxootiga ee IFO, oo hoos-tagta Dadaab ee Gobolka Garissa.

Falkan ayaa waxaa uu ka dhacday xarun loogu talagalay qaybin gargaar oo la xiriiray Munaasabadda Ciidul Adxaa, halkaasoo ay isugu soo baxeen dad lagu qiyaasay 700 oo qof.

Sida ay sheegeen booliiska, dadkii goobta isugu yimid ayaa aad uga badnaa tiradii loogu talagalay.

Warbixin ay booliisku siiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dadkii isugu yimid goobta ay ku hanjabeen in ay weerarayaan ciidankii ilaalada ka hayay Xarunta, taasoo keentay in boolisku furaan rasaas si ay u kala eryaan dadka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Xeryaha qaxootiga ee IFO oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla gobolka ayaa hoy u ah in ka badan 200,000 oo qaxooti Soomaali ah, taas oo mararka qaar keenta caqabado dhinaca maamulka iyo sugnaanta amniga ah, gaar ahaan xilliyada loo qaybinayo gargaarka bani’aadamnimo.