Heemaal News Network

Booliska Muqdisho Xabsiga Dhigay Lamaane caan ah

Booliska gobolka Banaadir ayaa maanta xabsiga dhigay lamaane caan ka ah baraha bulshada

Ciidanka Booliiska degmada Deyniile ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Maxamuud Siid Axmed oo 42 jir ah iyo Qadiijo Maxamed Cabdulqaadir oo 23 jir ah

Laamahan ayaa ku eedeysan inay ku kaceen falal anshax xumo ah oo liddi ku ah diinteenna suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee Ummadda Soomaaliyeed.

Booliiska ayaa sheegay in eedeysanayashaan la horgeyn doono cadaaladda baaritaanka ka dib.

Booliska ayaa mudooyinkan waday howgal ka dhan ah dhalinta iyo dadka kale ee falalka anshax xumada ka wada baraha bulshada, waxaana horey loo xiray qaar oo haatan ay socoto maxkameyntooda.

Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka degaanka ayay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah xoogaga Al shabaab oo ka qeyb galay dagaalkii ka dhacay degaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan.