Heemaal News Network

Booliska Somaliya Oo Lagu Wareejiyey Bur dhacay Oo Dekeda Muqdisho Laga soo Dejiyey(Sawiro)

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda sare ee Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed ayaa waxa ay uga hadleen howlaha hortebinta u leh Hayadda ee ah ka hortagga badeecadaha dhacay iyo hubinta tayada badeecadaha dalka soo galaya.

Waxay kulanka kadib ay beeniyeen warar been abuur ah oo sheegaya in raashinkii dhacay ee ay gacanta ku dhigtay Hay’adda lagu iibgeeynayo Suuqyada Muqdisho iyagoo xusay inay gacanta ku hayaan 7dii Kunteenar oo ay 7dii bisha March ku qabteen Dekada Muqdisho

Maxamuud Cilmi Fiidshe Agaasimaha Ilaalinta Tayada Badeecadaha Suuuqda ee Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed ayaa xusay in warka been abuurka ah ee baraha lagu faafiyay uu yahay mid waxba kama jiraan ah, isla markaana ay weli gacanta ku hayaan oo aan jirin raashin suuq la geeyay.

Sidoo kale Agaasime Maxamuud Cilmi Fiidshe ayaa tilmaamay in 7-da konteenar ay ku wareejiyeen Taliska Booliiska ee Dekadda Xamar, si sharciga loola tiigsado ganacsatadii dalka soo gelisay raashinka dhacay.

Booliska ayaa looga fadhiyaa inay xafiiska xeer ilaalinta ku wareejiyaan kiiska la xiriira ganacsatada dalkeena soo gelisay raashinka dhacay si sharciga loola tiigsado, kaasi oo haddii magaalada geli lahaa ay caafimaad daro ku keeni lahayd bulshada Soomaaliyeed.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Cida Dhulkayaga Noogu Timaada waanu Iska Celin Doonaa”. Haweenka Awdal Oo Hanjabaad Culus Diray

Heemaaln

Booliiska Somaliland Oo Gacanta ku Dhigay alaab la soo Xaday kuna Wareejiyay Dadkii lahaa

Heemaaln

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gudoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka.(Sawirro)

Heemaaln