Dhinaca kale Booliiska ayaa sheegay in la baadi goobayo eedeysane Sayid-cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday.
“Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimadda iyo Gobollada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayuu booliisku ku warramay.
Laamaha Amniga ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in qofkii helaa xogta eedeysane Sayid-cali lasoo xiriiro numberka gaaban ee 991.