Heemaal News Network

Burkina Faso Oo soo Saartay Sharci ka Farxiyey Maxaabiista xiran

Dawladda Burkina Faso ayaa soo rogtay sharci cusub oo isbeddel ku samaynaya maxaabiista ku xiran xabsiyada dalkaas, si looga faaiideysto xoogooda.

Sharcigan ayaa dhigay in dhammaanba Maxaabiista xukuman laga dhigi doono shaqaale ka hawlgala mashaariicda Beeraha taasoo bedelkeed Maxbuuska lagaga khafiifin doono muddada uu ku xukuman yahay.

Qofka maxbuuska ah ee muddo hal bil ah ka shaqeeya mashaaricda Beeraha waxaa ka go’i doona saddex bilood oo ka mida muddadii lagu xukumay.

Mar kasta oo muddada uu shaqaynayaa ay sii badato waxa sii yaraanaya wakhtigii uu xukunkiisi qaadan lahaa, arintan ayey shacabka dalkaas siyaabo kala duwan uga falcedliyeen.

Burkina Faso ayaa tan uga dan leh in lagu yareeyo heerka fakhriga ee dalkaas iyo weliba in kor loogu qaado wax soo saarka beeraha, waxayna talaabadan qeyb ka tahay isbedelka uu la yimid Madaxweynaha xukunkaas dalkaas afgembiga ku qabsaday Ibrahim traore