Heemaal News Network

Burkino Faso Oo 48 saac u Qabatay Diblomaasiyiin ka tirsan Safaarada Faransiiska

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Burkino Faso ayaa cayrisay sedex dublomaasi oo u dhashay dalka Faransiiska sababo la xiriirra hawllo kharbudaad ah.

Wasaaradda ayaa ku wargalisay safaaradda Faransiiska ee Waagaduugu in dublamaasiyiintaasi aan laga rabin dalka Burkino Faso, wadankana uga baxaan muddo 48 saacadood ah.

Warrarka qaar ayaa sheegaya in diblomaasiyiinta la cayrinayo ay kulamo la yeesheen xubno kamid ah ururrada bulshada rayidka ee dalkaasi.

Tan iyo markii afgamiga miltari uu ka dhacay dalka Bukino Faso sanad kii 2022-kii, saraakiisha milatariga ee xukuma waxay sii fogeynayeen dalkii horey u gumeystay ee Faransiiska.

Horey waxa ay ugu qasbeen in uu ciidamadiisa kala baxo, waxayna joojiyeen qaar kamid ah warbaahintii af faransiiska ku hadli jirtay, iyagoo dalbaday in Paris u yeerato danjiraheeda.