Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ugu afka dheer, ayaa si weyn u dhaliilay sawir uu saakay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya kusoo galay xarunta degmada Shangaani, halkaas ay ka socoto is-diiwaangelinta dodbixinta doorashada.
Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayuu ku sheegay in sawirka Xamse Barre saakay soo galay uu yahay, natijada dhaqanka siyaasadeedkii sanadihii tegey la soo dhisayey ee waxqabadkii iyo adeeggii dowladnimo ku soo koobay gelin qura ku mood .
Halkan ka akhriso qoraalka uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur, arrintan uga hadlay
Sawirka idiin muuqda iyo kuwo kaloo badan oo la mid ah waa natijada dhaqanka siyaasadeedkii sanadihii tegey la soo dhisayey ee waxqabadkii iyo adeeggii dowladnimo ku soo koobay gelin qura ku mood, sawirka saacaddaas iyo muuqaalka maalintaas.
Labadii rajiim ee xukunka isaga danbeeyey waxay ina dhaxalsiiyeen dhaqan siyaasadeed ku dhisan qiimo dilka qofnimada iyo awoodeeynta guulwadanimada, ammaanta madaxda iyo aflagaaddada inta ka aragtida duwan. Waxaa la abaalmariyey tayo xumida iyo xil gudasho la’aanta. Waxaa la nuxuusiyey dhaqankii suubaanaa ee kartida, daacadnimada, xishoodka, hufnaanta iyo ixtiraamka ee bulshada isku hayn lahaa, kalsoonida iyo is aaminadda dhisi lahaa, dawlad dhiskana lagama maarmaanka u ahaa.
Bay’ada guulwadayntu waxay soo saartay madax, masuuliyiin iyo hawlwadeen dowladeed oo aan kalsooni qabin, maadaama ay ka soo boodeen jaranjartii dabiiciga ahayd ee nolsha, xilkana aysan ku helin mutaysi (aqoon, waaya-aragnimo iyo xirfad).
Dhaqanka caynkaasi ah xukun iyo dawladnimo ma dhiso, dal colaad kasoo kabanaya oo cadow aragagexiso ah wajahayana kuma sii jiro.