Heemaal News Network

Cabsi ka Dhalatay Weerarka Iran ku Hanjabtay Oo Argagax ku Haysa Israel

Israa’iil ayaa heegan sare gelisay ciidankeeda cirka kaddib markii la sheegay dhaqdhaqaaqyo xooggan inay ka socdaan galbeedka Iran, taasoo suuragal ka dhigaysa weerarro xilli dhow ka imaan kara Tehran, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

Israa’iil ayaa sidoo kale waxay si deg deg ula soo baxday ciidankii ka joogay saldhigyo ku yaalla Azerbaijan iyo Georgia, iyadoo laga cabsi qabo inay Iran weerarto saldhigyadaas iyo xarumaha kale ee ay dibadda ku leedahay Israa’iil.

Sirdoonka Mareykanka iyo Israa’iil ayaa saacadihii u dambeeyay si joogta ah u sheegayay in tilmaamaha ay helayaan ay ka muuqato weerarrada aargoosiga ah inay Israa’iil kala kulmi karto 24 saac ee soo socota Iran iyo Xisbullah, iyadoo mar horaba gudaha Israa’iil laga arkay xaalad bandow ah oo u muuqata in looga diyaar garoobayo weerarro dhici kara.

Ururka Xisbullah ayaa saacadihii hore ee saaka weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga militari ee ciidanka Israa’iil oo ka mid ah dhowr xarumood oo ay ku soo muujiyeen muuqaalladii u dambeeyay ee diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ee habka basaaska ay u adeegsadeen, iyadoo laga arkay muuqaalka laga soo bandhigay inta uu socday Weerarka ay saldhigan ku qaadeen gantaalada oo ka gudbaya nidaamka difaaca Israa’iil ee Iron Dome .

Wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa si deg deg ula xiriiray xoghayaha difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isagoo ku wargeliyay in Iran ay diyaar garowgeeda muujineyso inay isu diyaarineyso weerar ballaaran.

Kooxaha ay Iran taageerto ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa goor dhow qoraal wadajir ah oo ay soo saareen waxay ugu hanjabeen Mareykanka haddii uu isku dayo inuu ka difaaco Israa’iil weerarrada Iran inay dab qabad- siinayaan saldhigyada uu ku leeyahay Ciraaq iyo Suuriya oo ay ku qaadayaan weerarro aan horey uga dhicin.

Wasiirka midigta fog ee amniga Israa’iil, Ben Gvir ayaa ku wargeliyay Netanyahu inuu ka baxayo dawladiisa haddii uu ansixiyo heshiiska ay oggalaatay Xamaas ee xabbad-joojinta Qasa, sida ay Al-jazeera ka soo xigatay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.

Ben Gvir , oo inta badan sheega hadallo naceyb ah ayaa shalay ku baaqay in dadka ku nool Qasa la qaxiyo si ay ula wareegaan dhulka Qasa oo uu ku sheegay shaqsiyaadka u horreeya ee deggaya inuu ka mid yahay.

Shirkadda diyaaradaha ee Lufthansa, ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan duulimaadyadii Israa’iil, Jordan , Ciraaq iyo Iran illaa 21 bishan Agoosto, sababo la xiriirta khatar amni ee sare martay oo ka taagan bariga dhexe.