Heemaal News Network

“Cadowga Shar ayaan ka Fileynaa Inta Uuna Dhaqan galin Heshiiska Xoghayaha Guud ee Islaami Jihaad

Xoghayaha guud ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta ee Islaami Jihaad ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera ; “Cadowga shar mooyee wax kale kama fileyno, gaar ahaan ka hor inta uusan billaaban dhaqan-gelinta heshiiska Axadda.”

Waxyar ka hor, duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen galbeedka Qasa, 18 qof ayaa ku dhimatay tiro kale-na way ku dhaawacantay, wallow ay wali socdaan isku soo baxyada dabaal-degga ee dadka Qasa ay ku soo dhaweynayaan heshiiska xabbad-joojinta.

Xabbad-joojinta Qasa, ayaa socon doonta illaa laga gaarayo wajiga xiga ee heshiiska haddii xataa ay dhammaato 42 maalmood ee heshiiska lagu gaaray wajiga koowaad, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka, tan oo ka dhigan in saddexda waji ee heshiiska ay isku xiranyihiin oo haddii xataa uu dhammaado waqtiga wajiga koowaad illaa laga gaarayo heshiiska kale marxaladda xabbad-joojinta ayaa lagu sii jiri doonaa.